Ra’iisul wasaaraha oo magacaabay guddiga matalaada iyo maqaamka caasimadda Soomaaliya (AKHRISO)

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmarke ayaa wareegto uusoo saaray ku magacaabay gudiga matalaada iyo maqaamka caasimadda Soomaaliya, kuwaas oo kasoo talo bixin doona sida gobolka Banaadir metelaad ugu yeelanayo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddigan oo ka kooban ilaa 19 xubnood ayaa kala kala socda dowladda federaalka, maamulada dalka iyo xubno ka socda Magaalada Muqdisho, waxaana arrintaan lagu go’aamiyay shirkii madasha Qaran oo lagu qabtay magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Dhinaca kale, guddigan ayaa loogu talo-galay in 17-kii bishaan uu warbixin u gudbiyo madasha Qaran, waxayna ahayd in la magacaabo horaanta bishan July, laakiin waxaa muuqata in maalin kadib xilligii oo qoondeeyay inuu guddiga soo dhameeyo howshiisa la magaaabay, waana dib u dhac weyn oo ka jira doorashada 2016-ka oo qarka u saaran inay muddo bilo ah dib u dhacdo.

Hadaba nuqul ka mid ah wareegtadda oo nasoo gaaray ayaa u qornaa sida hoos ku xusan:-

Wareego R-Wasaare

error: Content is protected !!