Taliyaha ciidanka NISA ee gobolka Sh/dhexe oo si rasmi ah loo magacaabay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in taliye cusub oo ka tirsan ciidanka nabad-sugidda halkaasi loo magacaabay.

Taliyahaan cusub oo lagu magacaabo C/qaadir C/laahi Xaayoow ayaa xilkaasi loo magacaabay 21-kii bisha June ee sanadkaan 2016-ka, kadib markii taliyihii hore C/weli Ibraahim uu dilay askari ka tirsanaa ilaaladiisa.

Munaasabad ka dhacday magaalada Jowhar islamarkaana ay goob-joog ka ahaayeen saraakiisha hay’adda nabad-sugida iyo kuwa maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa xilkaasi waxaa si rasmi ah loogu wareejiyay C/qaadir C/laahi Xaayow.

C/qaadir C/laahi Xaayoow oo ka hadlay goobta ay munaasabadda xil-wareejinta ah ka dhaceeysay ayaa balan ku qaaday inuu wax weyn ka badali doono arrimaha amniga ee gobolka Sh/dhexe, isagoona dhinaca kale ka codsaday shacabka ku nool gobolkaasi, inay kala shaqeeyaan mas’uuliyadda culus ee loo dhiibay.

“Waxaan haatan la wareegay xilka taliyaha NISA ee gobolka Sh/dhexe, muhiimadda waa inaan ka wada shaqeynaa amniga, waxaa amniga faa’idadiisa leh bulshada, waxaana shacabka gobolka Sh/dhexe ku boorrinayaa inay ciidanka kala shaqeeyaan nabad iyo xasiloonida gobolka, waxaan u taagan-nahay inaan bulshadda amaankooda ilaalino Insha allah, waana ku guuleysanaynaa” Sidaasi waxaa yiri C/qaadir C/laahi Xaayoow taliyaha cusub ee ciidanka nabad-sugidda gobolka Sh/dhexe.

Dhinaca kale, maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa soo dhaweeyay taliyahaan cusub ee loo magacaabay ciidanka NISA ee gobolkaasi, iyagoona dhinacooda shacabka halkaasi ugu baaqay inay la shaqeeyaan taliyahaan cusub.

Ugu dambeyntii, taliyahaan cusub ayaa la sheegay inuu hore xilal ka duwan uga soo qabtay gobolka Banaadir, islamarkaana uu yahay sarkaal kasoo bixi kara xilka loo magacaabay.

error: Content is protected !!