Xaalad cusub oo ku soo korortay doorashada sanadkaan 2016-ka iyo shirkii lagu balansanaa oo baaqday

Iyadoo 15-kii bishaan aynu ku jirno lagu balansanaa in shirkii madasha Qaran ee madaxda Soomaalida uu ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya ayaa qabsoomi waayay shirkaasi, kadib markii sida la sheegay ay xaalad cusub soo korortay.

Shirkaasi madasha Qaran oo noqon lahaa kii ugu dambeeyay oo ay yeeshaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka Soomaaliya ayaa dib u dhaciisa la sheegay inuu yimid kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu u dhoofay magaalada Kigali ee dalka Rwanda, halkaas oo uu kaga soo qeyb galay shir madaxeedkii Midowga Afrika, iyadoona sababtaasi awgeed aysan xilligaasi jirin qorshe kale oo lagu qabanaayo shirka.

Waxaa dhici karta doorashada sanadkaan 2016-ka ka dhici lahayd dalka inuu dib u dhac ku yimaado, taas oo ay si hoose iskula meel dhigeen madaxda madasha Qaran, balse aan weli la shaacin, waxayna arrintaan ka dambeysay iyadoo aanay fari ka qodneyn howlaha hor yaala doorashada.

Dhinaca kale, xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud ayaa qaba fikirka ah in bilooyin dib u dhac ah uu jiri doono, ayna arrintaan si ku talagal ah ku sameeyeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyadda oo la wareegay awoodii baarlamaanka dalka.

“Sidaad ka war qabtaan, madashu marka ay isku yimaadeen waxay soo gudbiyeen shax iyo wakhti ay wax ku dhacayaan oo qaabka marka ay doorashadu dhaceeyso, hadeertaanna waxaa runtii muuqata in sidii loogu talagalay dib u dhacyo iney ka jiraan, waan is leeyahay wakhtigii sidii loogu talalgalay ma noqon doonto, dib waa u dhici doonaan, laakiin wali waxaa igu jirto rajo ah in inta lagu gudo jiro mudadaan 2016-ka ay doorashadu dhici doonto, sidaas ayaan aad u rajo weynahay, balse hadda waa muuqataa inuu dib u dhac uu jiri doono ama isbuucyo ha noqoto ama bilo ha noqotee”. Sidaas waxaa yiri xildhibaan C/samad Macalin Maxamuud

Si kastaba ha ahaatee, Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan sheegay inuu sii jiri doono ilaa baarlamaan kale oo bedela laga soo dooranayo, taas oo muujineysa in dowladda federaalka ee haatan jirta ay isku diyaarisay inay sii jirto ilaa bilawga sanadka cusub ee 2017-ka.

error: Content is protected !!