DEG DEG:- Banaanbax balaaran oo goordhaw ka bilaawday magaalada Garoowe

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi ka bilaawday banaanbax aad u balaaran.

Banaanbaxaasi oo ay ka qeyb galayaan boqolaal ruux ayaa sida la sheegay looga soo horjeedaa duulaanka qaawan oo ay ciidanka Somaliland ku qaadeen gobolka Sanaag.

Gawaari ay ku xiran yihiin cod-baahiyeyaal ayaa wareegaya guud ahaan xaafaddaha magaalada Garoowe, waxaana ay dadweynaha halkaasi ugu baaqayaan inay kasoo qeyb galaan banaanbaxaan.

Banaanbaxa ayaa ah mid lagu muujinayo sida shacabka reer Puntland ee ku dhaqan magaalada Garoowe ay uga soo horjeedaan duulaankaas qaawan ee ay ciidanka Somaliland kusoo qaadeen gobolka Sanaag.

Shacabka dibadbaxa ka qeyb-galaya ayaa sidoo kale waxay wataan boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ka dhan ah maamulka Somaliland, waxaana sidoo kale lagu wadaa in dibadbaxaasi ay kasoo qeyb galaan mas’uuliyiin ka kala socota gobalka Nugaal iyo sidoo kale magaalada Garoowe ee maamulka Puntland.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco wararkeena dambe Insha Allaah

error: Content is protected !!