DEG DEG:- Ciidanka NISA oo xabsiga dhigay gudoomiyaha xarunta cilmi baarista iyo daraasaadka

Warar goordhaw nasoo gaaray ayaa sheegaya in ciidanka nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee loo yaqaano NISA ay xabsiga u taxaabeen gudoomiyaha xarunta cilmi baarista iyo daraasaadka ee magaalada Muqdisho C/wahaab Cali Muumin iyo 5 ka mid ah shaqaalaha xaruntaas.

Ciidanka nabad-sugidda Qaranka ayaa dadkaasi u dhaadhiciyay xarunta hay’adda nabad-sugidda qaranka ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi lagu weydiinaya suaalo.

Ilaa iyo haatan lama oga sababta loo xiray dadkaasi, iyadoona ilaa iyo haatan saraakiisha hay’adda nabad-sugidda Qaranka aanay wax faah faahin ka bixin xariga dadkaas.

Dhinaca kale, xiriiro aynu la sameeynay saraakiisha sare ee hay’adda nabad-sugidda Qaranka ayaa inoo suurto galin inaynu qadka telefoonka ku helno, balse warar madax badaan ayaa sheegaya in dadkaasi loo xiray arrimo la xiriira dhinaca ammaanka ee hay’adda, islamarkaana arrintaasi wax laga weydiinayo.

Warkaan wixii kusoo kordha dib kala soco wararkeena dambe Insha Allaah

error: Content is protected !!