DEG DEG:- Mas’uul ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha oo meydkiisa laga dhex-helay Hoteel ku yaala Nairobi

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in Hoteel ku yaala magaaladaasi laga dhex-helay meydka mas’uul la sheegay inuu ka tirsanaa xafiiska ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Mas’uulkaan geeriyooday ayaa sida la sheegay ahaa ku-xigeenkii xog-hayaha joogtada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Allaha u naxariistee Maxamed Yusuf Aadan oo loo yaqaanay “Mohamed Khayr”.

Ilaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ee ka dambeysay geeridiisa, iyo sidoo kale qaabkii uu u geeriyooday.

Ma jirto hadal kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ay kaga hadleyso mas’uulkaan ka tirsanaa xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee ku geeriyooday Hoteel ku yaala magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco wararkeena dambe Insha Allaah

error: Content is protected !!