Madaxweyne Erdogan oo xaalad deg deg ah geliyay dalka Turkiga

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay in xaalad deg-deg ah uu geliyay dalkiisa, kadib isku daygii afgambi ee fashilmay ee la doonayay in xukunka looga tuuro dowladdiisa.

Kulan ay wada qaateen madaxweyne Erdogan iyo golaha ammaanka Qaranka dalka Turkiga ayaa waxaa dalkaasi lagu geliyay xaaladda degdeg ah oo uu ku jiri doona muddo seddex bilood ah.

Madaxweyne Erdogan oo shacabka Turkiga kala hadlay Teleefishinka Qaranka ayaa sheegay in xaaladda deg-dega ah ay tahay mid lagu bad-baadinayo islamarkaana lagu dhowrayo xuquuqda shacabka.

Sidoo kale, madaxweyne Erdogan ayaa si aad ah u ammaanay dadkii naftooda u huray dalkooda islamarkaana kasoo horjeestay afgambigii dhicisoobay ee lala damacsanaa in lagu sameeyo xukuumadiisa.

Laamaha ammaanka ee dalka Turkiga ayaa arrintaan ay saamaxeyso inay soo qab-qabtaan dadka lagu tuhunsan yahay inay ku lug lahaayeen afgambiga dhicisoobay.

Waxaa sidoo kale weli dalkaasi Turkiga ka socda talaabooyinka isugu jira xarig, shaqo ka fariisin iyo maxkamadeyn lagula kacaayo dad badan oo afgamiga dhicisoobay ku lug yeeshay.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay inay sameyn doonaan wax kasta oo ay ku xaqiijinayaan amniga guud ee dalkaas, islamarkaana ay dalka ka sifeyn doonaan waxa uu ugu yeeray qas-wadayaal.

error: Content is protected !!