Cabdi Shuluco iyo qoyskiisa oo dhaawacmay iyo dhaawacooda oo la dhigay Isbitaal

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in duqii hore ee magaalada Garoowe Cabdi Xaaji Yusuf (Shuluco) uu ku dhaawacmay shil gaari oo maalintii shalay ka dhacay wadadda laamiga ah ee u dhaxeeysa magaalada Garoowe iyo Laacaano.

Waxaa shilkaan sidoo kale ku dhaawacmay shan kamid ah qoyskiisa oo ku wehlinayay gaariga ay la socdeen oo rogmaday, waxaana dhaawacooda loosoo qaaday isbitaalka guud ee magaalada Garoowe.

Cabdi Shuluco ayaa la sheegay inay waxyeelo kasoo gaartay dhabarka iyo madaxa, halka sidoo kale ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen 4 dumar ah oo ahaa walaalihiis iyo wiil 15 jir ah.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah eheladiisa oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in Shuluco iyo qoyskiisaba ay xaaladooda soo hagaagayso.

Ilaa iyo haatan lama oga xilliga rasmiga ah ee isbitaalka laga soo saari doono Cabdi Shuluco iyo qoyskiisa, iyadoona dhaqaatiirta isbitaalka Garoowe ay weli la tacaalayaan dhaawacooda.

error: Content is protected !!