Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo ka careeysiiyay taageerayaasha kooxaha Hiiraan iyo Sh/dhexe

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani) ayaa ka careeysiiyay taageerayaasha kooxda Hiiraan iyo Sh/dhexe, kadib markii uu meel fagaare ah ka sheegay inuu taageerayo kooxda Puntland.

Xaflad casuumaad ah oo gobolka Banaadir u sameeyay kooxda Puntland ayuu Yuusuf Boorsaani ka sheegay inuu kooxda Puntland ku taageeray ciyaarta qurxoon iyo farsamada ay soo bandhigeen, isagoo si weyn u taageeray.

Dhinaca kale, taageerayaasha kooxda Hiiraan iyo Sh/dhexe ayaa ku eedeeyay gudoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Boorsaani inuu ka soo jeedo gobolka Sh/dhexe oo hadii uu cid taageerayo ay ahayd inuu taageero kooxdiisa ama uu ka gaabsado xafiiltanka ciyaaraha socda ee gobolada dalka.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa sii kordhaya xiisaha ciyaaraha maamulada gobolada dalka ee ka socda garoonka Konis Stadium ee magaalada Muqdisho, iyadoo kooxda Jubba ay usoo baxday fiinaalka koobkan, kadib markii ay rigooreyaal uga badisay kooxda gobolka Banaadir.

error: Content is protected !!