Madaxweyne Xasan Sheekh oo xabsiga dhigay nin isagoo hurdo sawir ka qaaday

Ilo-xog ogaal ah aynu ka heleyno saraakiil ku sugan xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in nin dhawaan ka qaaday sawir uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hurdaayo xabsiga la dhigay.

Ninkaan oo lagu magacaabo Xasan Faarax, ayaa bartiisa Facebook soo dhigay sawirka madaxweyne Xasan Sheekh oo hurdaya, isagoo ku kaftamay inuu yahay Laandheere gaari ku ritay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, laakiin natiijadii arrintaasi ayaa dhalisay in shaqadii laga eryo, xabsigana loo taxaabo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilligii sawirka laga qaadayay wuxuu booqanayay saldhigga ciidamada kumaandooska ee garoonka Bali-doogle ee gobolka Sh/hoose.

Ninkaas ayaa sida la sheegay ka mid ahaa darawalada shaqaalaha ka ah garoonka Bali-doogle, wuxuuna gudaha garoonkaas fursad ugu helay inuu gaari la raaco madaxweyne Xasan Sheekh iyo taliyaha ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, Xasan Faarax ayaa saacad ka dib bartiisa Facebook ka saaray sawiradii uu soo dhigay ee madaxweynaha oo hurdaya, kadib markii cadaadis uga yimid dhinacyo kala duwan, laakiin taasi ma ahayn mid ku filan oo waxay ahayd xilli sawiradii baxeen oo boqolaal jeer la qeybiyay.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan bulshada Soomaaliyeed ayaa maalmihii ugu dambeysay waxay is-weydiinayeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo hurdaya xilli uu shaqo ciidan ku socday, waxaana warbaahinta qaarkeed ay ka dhigtay dacaayad, laakiin arrintaan oo dhan waxay galaafatay ninkaan oo arrintaas oo dhan ka dambeeyay ee Kaameradiisu qabatay Xasan Sheekh oo ku dhex hurdyaa gaarigii uu saarnaa.

error: Content is protected !!