Prof. Daqare “Waa in DF Soomaaliya ay jawaab deg deg ah ka bixiso hadalka kasoo yeeray qunsulka Turkiga ee Hargeysa u fadhiya..”

Prof-C/raxmaan C/laahi  Daqare oo ka mid ah aqoonyahanadda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in wax  laga xumaado ay tahay hadal dhawaan kasoo baxay qunsulka safaarada Turkiga ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland, kaasi oo sheegay in dowladda Turkiga ay aqoonsatay baasaboorka Somaliland.

Prof Daqare ayaa hadalka Qunsulka ku tilmaamay inuu yahay mid halis ku ah midnimada shacabka Soomaaliyeed oo uu xusay inay muqadas tahay.

Wuxuu Prof. Daqare hadalkiisa ku daray in dowladda Turkiga looga baahan yahay inay raali galin buuxda ka bixiso warka kasoo yeeray qunsulka safaarada Turkiga ee magaalada Hargeysa.

“Waa in dowladda federaalka Soomaaliya ay jawaab deg deg ah ka bixiso hadalka kasoo yeeray qunsulka Turkiga u fadhiya magaalada Hargeysa, waxa uu hadalkaasi ahaa mid wal-wal badan ku abuuray umadda Soomaaliyeed ee midnimada jecel, kuna nool gobalada waqooyi iyo kuwa koofurta Soomaaliya” Sidaas waxaa yiri Prof. Daqare.

Dhinaca kale Prof. Daqare ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay aad uga damqadeen islamarkaana ay ka naxeen afgambigii dhicisoobay ee dhawaan lala damacsanaa in xukunka looga tuuro xukuumadda madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

“Waxaa dowladda iyo shacabka dalka Turkiga nahay dad walaalo ah, iskugu gurmada marxalada walba oo timaado, dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay ka damqadeen isku daygii afgambigii fashilmay ee ka dhacay dalka Turkiga, iygoona taageeray qaranimada Turkiga, sidaas darteed waa in dowladda Turkiga ay tilaabo adag ka qaadaa qunsulkii hadalkaas yiri” Ayuu yiri Prof C/raxmaan C/laahi Daqare.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray Prof. C/raxmaan C/laahi Daqare ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaantaan qunsulka safaarada dalka Turkiga ee Soomaaliya u fadhiya magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland uu sheegay in dowladiisu ay aqoonsan tahay baasboorka maamulkaas, kaasi oo si weyn looga dareemay hadal heyntiisa guud ahaan dalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!