Wararka ka imaanaya degmada Cadalle ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in Xarakada Al-shabaab ay carabka ka jareen gabar ku nool degaanada u dhow degmadaasi.
Al-shabaab oo dhibaatooyin ba’an ka wada tuullooyin badan oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe, waxaana ay gabartani carabka kaga jareen masjidka Cali Gaduud oo ku dhaw degmada Cadalle, kadib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.
Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa sida la sheegay gubay guryo badan oo ku yaala deegaanada Sh/dhexe, iyagoo markaasi ka faaideysanaya ka bixitaanka ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.
Ilaa iyo haatan lama sababta rasmiga ah ee ka dambeeysay in Al-shabaab ay carabka uga jaraan gabadhaasi, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen inay Al-shabaab kala kulmaan xad-gudubyo badan.
Dhinaca kale, saraakiisha dowladda federaalka Soomaaliya oo hore ugu sugnaa degmada Cadalle ee gobolka Sh/dhexe ayaa ilaa iyo haatan weli sheegin sababta keentay inay isaga baxaan goobihii ay degmadaasi kaga sugnaayeen.