DEG DEG:- Ganacsato caan ka ah magaalada Dhuusa-mareeb oo goordhaw la xiray

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ciidamada maamulka Ahlu-sunna ay halkaasi ku xir-xireen ilaa lix ruux oo sida la sheegay ay qaarkood ay yihiin ganacsato caan ka ah magaaladaas.

Dadkaan ayaa sida la sheegay la xiray xilli ay ku kala sugnaayeen guryahooda iyo sidoo kale goobahooda ganacsi, waxaana markaasi kadib loo kaxeeyay saldhiga ay maamulaan ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca.

Ilaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ee ka dambeysa xariga ay ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca kula kaceen dadkaasi, iyadoona waqtiyadda soo socdo ay saraakiisha maamulka ka warbixin doonaan waxa uu salka ku haayo xarigooda.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco wararkeena dambe Insha Allaah

error: Content is protected !!