DEG DEG:- Jeneraal Caare oo daqiiqado kahor ku geeriyooday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya

Waxaa daqiiqado kahor magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ku geeriyooday Allaha u naxariistee Jeneraal C/raxmaan Warsame Cilmi oo loo yaqaanay Jeneraal Caare.

Allaha u naxariistee Jeneraal Caare ayaa ka mid ahaa saraakiishii dowladdii dhexe ee militeriga Soomaaliya, waxaana la sheegay in mudooyinkii ugu dambeeysay uu ku xanuunsanayay magaalada Muqdisho.

Jeneraal Caare oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladdii dhexe ee milatariga Soomaaliya ayaa ka mid ahaa qeybta 26-aad ee taliyihii iyo abaanduulihii ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Wixii warkaaan kusoo kordha dib kala soco wararkeena dambe Insha Allah.

error: Content is protected !!