DHAGEYSO:- Axmed Macalin Fiqi oo si aan caadi ahayn u kashifay sirta ay damacsan yihiin madaxda sare ee dalka

Taliyihii hore ee hay’adda nabad-sugidda qaranka ee dowladii KMG ahayd islamarkaana ka mid ah madaxda xisbiyadda siyaasadda ee dalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa kashifay howlaha ay wadaan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxda Damjadiid.

Waxa uu Axmed Macalin Fiqi sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya iyo kooxda Damjadiid ay wadaan qorshe ay doonayaan inay ku afduubtaan doorashada dalka, wuxuuna soo badhigay arrimo badan.

Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay ku mashquulsan tahay inay odayaal been abuur ah ka qortaan beelaha Soomaalida una sameeyso kaarar aqoonsi ah, si loogu musuq-maasuqo doorashada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in xilligii la geli lahaa ololaha doorashada ee dalka la joojiyay kadib markii is-hortaag lagu sameeyay shirarkii waxgaradka ay ku yeelan lahaayeen hoteelada ku yaala magaalada Muqdisho.

Axmed Macalin Fiqi ayaa tilmaamay in madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya sida Madaxweynaha, Gudoomiyaha baarlamaanka iyo Ra’iisul wasaaraha ay yihiin musharaxiin rabta inay doorashada madaxtinimo ee soo socoto ka qeyb galaan.

Dhinaca kale, Axmed Macalin Fiqi ayaa dhinaca kale ka digay in dalkan ay kooxda Damjadiid u wado kacdoon iyo in shacabka Soomaaliyeed ay ku kacaan oo talada ka tuuraan.

Ugu dambeyntii, wuxuu Axmed Macalin Fiqi tilmaamay uljeedka ay dowladda federaalka Soomaaliya ee haatan jirta uu yahay in hadii aanay xukunka kusoo noqonaynin in dalkaan uu meel xun ka dhaco, taas oo uu ku sheegay mid aan la aqbali karin.

error: Content is protected !!