DHAGEYSO:- Madaafiic xalay lagu garaacay saldhig ay ciidanka AMISOM ku sugnaayeen iyo warkaasi oo la beeniyay

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa weerar madaafiic ah oo ay Al-shabaab habeenkii xalay ku qaadeen saldhig ay ciidanka AMISOM ku lahaayeen deegaanka Ceel Jaalle ee duuleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose.

Ilaa dhowr madfac ayaa sida la sheegay lagu garaacay saldhiga ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Jaalle ee ku yaala duuleedka magaalada Marka, iyadoona ilaa iyo haatan aan la ogeyn qasaaraha ka dhashay madaafiicdaas.

Gudoomiyaha deegaanka Shalanbood ee gobolka Sh/hoose Nuur Cusmaan Raage oo la hadlay warbaahinta Muqdisho ayaa si kulul u beeniyay weerarkaasi, waxaana uu sheegay in madaafiicda la maqlay ay ahaayeen kuwa ay tijaabinayeen ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaanka Ceel Jaalle, islamarkaana aysan ahayn madaafiic ay soo rideen Al-shabaab.

Ilaa iyo haatan lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay madaafiicdaasi, waxaana maanta si weyn loo hadal haayaa waxa ay ahaayeen dhawaqa madaafiic ee xalay laga maqlay deegaanka Ceel Jaalle ee duuleedka magaalada Marka ee xarunta gobolka Sh/hoose.

error: Content is protected !!