XOG:- Howlihii cuslaa oo ay qaban jirtay hay’addii Nile oo la wareegtay safaaradda Turkiga ee Soomaaliya

Saraakiil ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si hoose inoogu sheegay in sadaxdii Iskool iyo Isbitaalkii Deva oo ay maamuli jirtay hay’adda Nile ay haatan si toos u hoos-imaan doonaan safaaradda Turkiga ee ku taala Soomaaliya.

Xogta oo aynu kasoo xiganayno ilo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo sheegaya in laga bilaabo maanta oo Axad ah ay safaradda Turkiga ee Soomaaliya ay gebi ahaan la wareegeen dhamaan howlihii loo haayay dugsiga hoose iyo sare ee gabdhaha, kuwaas oo ay hore u maamuli jirtay hay’adda Nile oo dhawaan laga eryay magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Isbitaalka Deva ee magaalada Muqdisho oo ay hore u maamuli jireen hay’adda Nile ayaa la sheegayaa in gebi ahaan la xiray, waxaana hantidii taalay isbitaalkaasi loo wareejin doono isbitaalka tababarka iyo cilmi-baarista ee Soomaaliya (Turkey Training and Research Hospital).

Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan hay’adda Nile ku amartay in muddo 7 maalmood ah ay dalka uga baxdo, kadib markii lagu soo eedeeyay inay xiriir la leedahay ninkii lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee lala damacsanaa dalka Turkiga, waxaana xilligaasi wixii ka dambeeyay dalka isaga baxay 40 shaqaale oo ka tirsanaa hay’addaasi iyo qoysaskooda.

error: Content is protected !!