XOG RASMI AH:- Isbadel aan la filanayn oo lagu sameeyay qorshaha jadwalka doorashada dalka

Xog rasmi ah oo lagu kalsoon yahay oo ay heshay warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegaya inuu is-bedel aan caadi ahayn lagu sameeyay qorshaha jadwalka doorashadda ee la filaayay inay bisha August iyo Septermber ka dhacdo dalka Soomaaliya.

Saraakiil ku sugan xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya oo diiday inaa magacooda u adeegsano warbaahnta ayaa inoo xaqiijiyay in doorashooyinka laga qaban doono ay u dhici doonaan sida hoose ku xusan:

  • Waxaa bisha October ee soo socota la qaban doonaa doorashada xildhibaanada cusub ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.
  • Sidoo kale, waxaa bisha November la dooran doonaa xubnaha Aqalka Sare ee Barlamaanka cusub ee Soomaaliya.
  • Ugu dambeyntii waxaa bisha December 12-keedi la dooran doonaa madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, madaxda golaha wada-tashiga qaranka ayaa la filayaa in dabayaaqadda bishan July ay shir ku yeeshaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Shirkaasi ayaa la filayaa inay madaxdaasi si rasmi ah ku ansixiyaan jadwalka cusub ee doorashooyinka labada gole ee Barlamaanka cusub iyo sidoo kale tan madaxweynaha cusub ee dalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!