Xukuno maxkamadeed oo maanta ka dhacay Somaliland iyo qareeno kasoo horjeestay xukunadaas

Wararka ka imaanaya maamulka Somaliland ayaa sheegaya in maxkamadda ciidamada ee maamulkaasi ay maanta dil toogasho ah ku xukuntay sideed nin oo la sheegay inay ka dambeeyeen dilkii Allaha u naxariistee C/risaaq Maxamuud Yuusuf oo ahaa taliyihii qeybta booliska ee magaalada Berbera.

Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada ee maamulka Somaliland Yuusuf Faarax Sharmaake oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in maanta dil toogasho ah lagu xukumay sideedaasi nin oo afkooda ka qirtay inay ka dambeeyeen dilkii taliyihii booliska ee magaalada Berbera Gaashaanle C/risaaq Maxamuud Yuusuf.

Dhinaca kale, maxkamadda ciidamada ee maamulka Somaliland ayaa xukuno kale ku riday 8 qof kale oo iyagana lagu soo eedeeyay in sanadkaan gudihiisa ay weerar ku qaadeen tuulada Ceel-garde oo hoos-timaada magaalada Berbera, kuwaas oo lagu xukumay 10 sano oo xabsi ciidan ah.

Xukunadaan ayaa waxaa kasoo horjeestay qareenada u doodayay dadkaan maanta xukunka lagu riday, waxaana ay sheegeen in dadkaasi la xukumay ay qaarkood yihiin dad shacab ah islamarkaana aanu sharci ahayn inay maxkamad ciidan xukunto.

error: Content is protected !!