Ammaanka B/weyne oo si aad loo adkeeyay iyo xafladda caleema saarka Ugaas Xasan oo halkaasi ka socota

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ay halkaasi ka socoto xafladda caleema saarka Ugaaska beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.

Xafladaasi oo si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb-galaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyadda dalka, iyadoona saacadaha soo socdo la filaayo inay khudbado halkaasi ka jeediyaan.

Ammaanka goobta ay xafladda ka socoto ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana wadooyinka soo gala goobtaasi ku sugan ciidamo ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, buundooyinka Liiq-liiqato iyo Buundoweyn ee ku yaala magaalada B/weyne ayaa lagu gooyay ciidamo badan, waxaana haatan goobta ay xafladdu ka socoto khudbado ka jeedinaya qaar ka mid ah ka qeyb-galayaasha xafladda.

Hoteeladda ay degan yihiin mas’uuliyiinta ka qeyb-galeysa xafladda ayaa ammaankooda aad loo adkeeyay, waxaana saacadaha soo socdo la filayaa inay xafladda soo gaba-gaboowdo.

Warkaan wixii kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah. 

error: Content is protected !!