Ciidanka Danab oo la wareegay deegaan ay hore ugu sugnaayeen Xarakada Al-shabaab

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in ciidanka kumaandooska ee dowladda federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab ay maanta dagaal kula wareegeen degaanka Aw-dheegle, halkaas oo ay horay u joogeen Xarakada Al-shabaab.

Sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa sheegy in ciidanka kumaandooska ee  loo yaqaano Danab ay gacanta ku dhigeen deeegaanka Aw-dheegle, kadib dagaal dhex maray ciidankaasi iyo kuwa Al-shabaab.

Ilaa iyo haatan lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, balse warar qaar ayaa sheegaya in ciidanka kumaandooska ee Danab ay ay gubeen gaari Homey ah oo ay Al-shabaab leeyihiin.

Ma jirto warar kale oo xaqiijinaya arrinkaasi, iyadoona dhinaca Al-shabaab aysan weli ka hadlin dagaalkaan maanta ay ciidanka kumaandooska ee dowladda federaalka Soomaaliya ku qabsadeen deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Sh/hoose.

error: Content is protected !!