Ciidanka Itoobiya oo isaga baxay Garasweyne iyo Al-shabaab oo halkaasi la wareegtay

Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay gebi-ahaan isaga baxeen deegaanka Garasweyne oo qiyaastii 50km dhinaca Barri ka xigta magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Ilaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeeysay ka bixitaan ciidamada Itoobiya ee deegaanka Garasweyne, kuwaas oo halkaasi ku sugnaa in muddo ah.

Ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab ayaa islamarkiiba la wareegay deegaanka Garasweyne, kadib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidanka Itoobiya.

Waxaa wadooyinka deegaanka Garasweyne saakay lagu arkayaa ciidanka Al-shabaab, iyadoona ay deegaankaasi ka jirto cabsi xoogan.

Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in ciidankii Itoobiya ee halkaasi isaga baxay ay weerar rogaal celis ah soo qaadeen, islamarkaana uu qasaare kasoo gaaro.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan markii ay ciidamada Itoobiya isaga baxaan deegaanadda ku yaala gobolada Soomaaliya, waxaa islamarkiiba gacan ku hayntooda la wareega ciidanka Al-shabaab, iyadoona mararka qaar ay dhacdo in ciidankaasi Shabaab ay dilal u geystaan dadka shacabka ah oo deegaanadaasi ku sugan, iyagoo ku eedeeynaya inay la shaqeynayeen waxa ay ugu yeeraan cadawga Islaamka.

error: Content is protected !!