Dibadbax aad u balaaran oo maanta ka dhacay degmada Sheekh iyo ciidanka oo dadkaasi kala eryay

Wararka naga soo gaaraya deegaanada maamulka Somaliland ayaa sheegaya in dibadbax aad u balaaran oo ay ka qeyb qaateen caruur, dhalinyaro iyo haween uu maanta ka dhacay degmada Sheekh ee gobolka Saaxil.

Dibadbaxaasi oo socday muddo 40-daqiiqo ah ayaa sida la sheegay dhigayay dad ka careeysan xukun dil ah oo ay maalintii shalay maxkamadda ciidamada maamulka Somaliland ku riday 8 qof oo lala xiriirinayo inay ka dambeeyeen dilka taliyihii ciidanka gobolka Saaxil ee maamulka Somaliland.

Dhinaca kale, dibadbaxaasi ayaa ka dhacay wadada Sheekh, halkaas oo ah waddo isku xirta magaalooyinka Burco iyo Berbera, waxayna dadka dibadbaxa dhigaayay sheegayeen in xukunkaasi aanu sharci ahayn.

Wadada Sheekh ayaa ah waddo uu marinkeedu muhiim yahay, iyadoona intii uu dibadbaxa socday uu hakad ku yimid isku socodka gaadiidka ee halkaasi ka jiray.

Ugu dambeyntii, ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa dadkaasi kala eryay, waxaana si caadi ah kusoo noqday goobta uu dibadbaxa ka socday, mana jirto cid waxyeelo kasoo gaartay dibadbaxaasi.

error: Content is protected !!