Waxaa maanta garoonka Laqanyo oo ku yaala magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ka dhacay xaflad si heer-sare loo soo agaasimay oo lagu caleemo saarayay Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif.
Xafladaasi oo aan loo kala harin ayaa waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, qaar ka mid madaxda maamul goboleedyadda dalka, xildhibaano, wariyeyaal caan ah iyo bulshada qeybaheeda kale.
Ammaanka goobta ay xafladdu ka dhaceeysay ayaa ahayd mid si weyn loo adkeeyay, waxaana dhamaan wadooyinka soo gala goobta ay xafladda ka socotay ku sugnaa ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa badalay Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo horaantii sanadkaan ku geeriyooday magaalada B/weyene ee xarunta gobolka Hiiraan.
Hadaba sawiro qurux badan oo laga soo qaaday ayaa inoo suurto gashay inaynu halkaan idinkugu soo gudbino ee daawasho wacan:-