Qaraxyo caawa ruxay magaalada Muqdisho iyo qasaare ka dhashay

Waxaa caawa fiidkii laba qarax oo aad u xoogan laga maqlay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, iyadoona sida la sheegay ay qaraxyadaasi ka dhasheen qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Labadaasi qarax oo inyar kala dambeeyay ayaa ka dhacay agagaarka Haanta Dheer ee degmada Dayniile, waxaana qaraxa koowaad uu ahaa gaari lagu soo rakibay miino oo goobtaas la dhigay.

Waxaa sidoo kale waxyar kadib dhacay qaraxa kale oo lala eegtay goob biibito ah oo shaaha laga cabo, taas oo aan sidaasi uga fogeyn goobta uu qaraxii koowaad ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyadaasi ku geeriyootay ilaa 2 qof oo sida la sheegay ahaa dad ku dhex sugnaa biibitada, iyadoona sidoo kale uu jiro dhaawac balse aan la ogeyn inta tiro ay gaarayaan.

Qaraxa kadib waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana ay islamarkiiba halkaasi ka bilaabeen baaritaano aad u xoogan.

Ma jirto cid qaraxyadda caawa sheegatay, waxaana ay qaraxyadan kusoo beegmayaan xilli subixii maanta laba qarax oo ismiidaamin ah islamarkaana ay ku geeriyootay ilaa 13 ruux lagu weeraray agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde iyo Xarunta ciidanka AMISOM ee Xalane, kuwaas oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa.

error: Content is protected !!