Ciidanka dowladda oo dhaq-dhaqaayo xoogan ka wada deegaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Sh/dhexe ayaa waxay sheegayaan in ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay dhaq-dhaqaaqyo xoogan ka wadaan qeybo ka mid ah gobolkaasi, gaar ahaan deegaano hoos-taga degmada Mahadaay oo gobolkaasi ka tirsan.

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa damacsan inay weerar culus ku qaadaan deegaanada ku yaala gobolka Sh/dhexe gaar ahaan deegaanada hoos-taga degmada Mahadaay oo ay ku sugan yihiin Xarakada Al-shabaab.

Dhinaca kale, ciidanka Al-shabaab oo weerarkaasi kusoo wajahan ka warhelay ayaa dhinacooda deegaanada ay ku sugan yihiin ka bilaabay dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ay kaga hortagayaan duulaanka ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo dhinacooda kusoo wajahan.

Ilaa iyo haatan lama oga xilliga rasmiga ah oo ay ciidamadaasi duulaanka ku qaadi doonaan deegaanada hoos-yimaada degmada Mahadaay islamarkaana ay ku sugan yihiin ciidanka Al-shabaab, waxaana ay arrinkaan kusoo beegmaysaa xilli dowladda Soomaaliya ay bilawday duulaano ka dhan ah Al-shabaab ee ku kala sugan gebi ahaan gobolada dalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!