DEG DEG:- Guriga wasiirka arrimaha gudaha oo haatan holcaya iyo gaadiidka dab-damiska oo goobtaasi gaaray

Dab aad u xoogan ayaa goor-dhaw ka kacay guriga wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa.

Guriga wasiir Odawaa ayaa ku yaala agagaarka xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, waxaana haatan socda dadaalo xoogan oo lagu daminayo dabkaasi.

Gaadiidka dab-damiska iyo amblaasta ayaa soo gaaray guriga wasiirka, iyadoona ilaa iyo haatan aan la ogeyn waxa sababay dabkaas.

Dhinaca kale, warar soo baxaaya ayaa sheegaya in dabkaasi uu ka dhashay koronto, balse ma jiraan cid xaqiijin kara arrintaas.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!