Taariikhda Saalax Bad-baado oo ka mid ahaa raggii Al-shabaab ee shalay is-qarxiyay (AKHRISO)

Ex Xildhibaan Saalax Bad-baado ayaa ka mid ahaa xubnihii Xarakada Al-shabaab ee maalintii shalay isku qarxiyay bar-kontorool ahayd ee laga galo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Warbaahinta ku hadasha afka Al-shabaab ayaa soo bandhigtay taariikh nololeedka Saalax Bad-baado oo uu Shabaab-ka ku biiray sanadkii 2010-kii.

Saalax Bad-baado ayaa ku dhashay degmada lagu magacaabo Gar-Adag oo ka tirsan gobolka Sanaag sanadkii 1960-kii, wuxuuna waxbarashadiisa hoose iyo dhexe kusoo qaatay degmooyinka Shiikh iyo Ceerigaabo, ugu dambeyntiina dugsiga sare kaga soo baxay magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka waqooyi-galbeed.

Saalax Bad-baado markii ku biiray Al-shabaab kadib, waxa uu ka qalin jabiyey machadka culuunta sharciga ee Cabdalla Casaam oo ay hogaanka Shabaab aasaaseen.

Waxa uu kasoo shaqeeyey gobaladda Jubbooyinka iyo kuwa kale ee ay Al-shabaab haysteen, wuxuuna haatan madax ka ahaa Maktabka Istish-haadka ee Xarakadda Al-shabaab.

Saalax Bad-baado ayaa ka mid noqday labadii qof ee isku qarxisay xarunta AMISOM, waxayna warbaahinta Al-shabaab sheegeen inuu Saalax Bad-baado kaxeeynayey mid ka mid ah gaadiidkii loo adeegsaday is-qarxintaas.

Dhinaca kale, Saalax Bad-baado ayaa laga hayaa xusuus ku aadan xilligii uu ka goostay Baarlamaankii dowladdii KMG ahayd, isagoo xilligaasi baarlamaanka ku tilmaamay inay xubno ka yihiin dad gaalo ah.

Si kastaba ha ahaatee, Saalax Bad-baado ayaa lagu xusuusan doonaa is-bedelka aragtidiisa iyo dhaq-dhaqaaqyadiisa muddadii uu ka tirsanaa Xarakada Al-shabaab laga bilaabo sanadkii 2010-kii ilaa 2016-ka, waxaana uu ku geeriyooday falkii is-qarxinta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!