Madaxweyne Xasan oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay xiritaanka shirkii maanta ugu dambeeyay (SAWIRO)

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo xiray shirka dib u eegista tacliinta sare ee dalalka colaadaha kasoo kabanaya oo ay Soomaaliya ka mid tahay, kaasi oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka socday ee magaalada Muqdisho.

Waxaa xafladda lagu soo xirayey shirka goob-joog ka ahaa wasiirka waxbarashadda iyo tacliinta sare ee dowladda federaalka Soomaaliya, gudoomiyaha jaamacadda umadda Soomaaliyeed, masuuliyiinta jaamacadaha dalka iyo wafuud ka socota caalamka oo shirka ka qeyb galayey.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyey xafladda lagu soo xirayey shirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya muhiimad dheeraad ah siin doonta tacliinta sare ee dalka, isagoona sidoo kale tilmaamay in dalka uu kasoo gudbay marxaladdo adag oo soo maray tacliinta dalka haatanna la gaarsiiyey meelo muhiim ah.

“Dalkaan waxaa horumarin kara dadkiisa, dadkeenuna waxaa horumari kara tacliinta, sidaa darteed muhiimadeenu waa inaan sare marina tacliinta, waana mid ka mid tahay ajendayaasha ugu horreeya ee horumarinta dalka” Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale yiri “Ma jirto maanta maalin aan uga baahi badanahay kobcinta iyo tayeynta nidaamkeena waxbarasho, taacliinta sare kaalin weyn ayeey kaga jirtaa horumarka iyo xasilinta dalka”

Ugu dambeyntii, heshiis iskaashi oo dhanka tacliinta sare ah ayaa gabagabadii soo xiritaanka xafladda shirka, waxaa ku kala saxiixday jamaacadda umadda Soomaaliyeed iyo jaamacadda International African University ee dalka Sudan.

-Dhammaad-

Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: shadorhaji@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Shirka-Tacliinta01 Shirka-Tacliinta02 Shirka-Tacliinta03 Shirka-Tacliinta04

error: Content is protected !!