“Waxaa ku dadaalaynaa in sharciga doorashooyinka laga gaarsiiyo ka hor inta baarlamaanka uu xirmin..”

Ra’iisul wasaaraha xukumadda federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay in gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu kala hadlayo in baarlamaanka uu meel-mariyo sharciga doorashooyinka dalka.

Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid oo maalintii shalay ka qeyb galay munaasabad lagu maamuusayay sanad guuradii koowaad ee kasoo wareegatay markii la sameeyay guddiga doorashooyinka Soomaaliya ayaa xusay in inta uusan dhamaan kalfadhiga sideedaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ay xukumaddu dooneyso in la meel-mariyo heshiiska doorashooyinka dalka, si doorasho xalaal ah ay dalka uga dhacdo.

“Waxaa ku dadaalaynaa in sharciga doorashooyinka laga gaarsiiyo ka hor inta baarlamaanka uu xirmin, inkastoo habka baarlamanka wax u gudbiyo ay tahay akhrinta 1-aad, 2-aad iyo 3-aad, marka uu gudoomiyaha yimaado waa ka wada fariisaneyna bal sidii arrintaan loo meel marin lahaa, maadaama uu yar-yahay waqtiga la haysto” Sidaasi waxaa yiri ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Dhinaca kale, kulamadii baarlamaanka ay yeelan lahaayeen ayaa hakad galay kadib markii madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu awoodii sharciyeed la wareegay.

Si kastaba  ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii xeer uu soo saaray madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay in baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu ka wareejiyay go’aan ka gaaridda doorashooyinka dalka, isagoona sheegay inuu u wareejiyay madasha wada-tashiga qaran inay go’aanka doorashada gaaraan, taas oo uu baarlamaanku ku tilmaamay in awoodii sharciga uu madaxweynaah la wareegay.

error: Content is protected !!