Dagaal muddo kooban socday oo dhexmaray ciidanka dowladda iyo koox la sheegay inay ka amar qaataan…

Wararka ka imaanaya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in dagaal muddo kooban socday uu ka dhacay duuleedka degmada Qoryooley oo ka tirsan gobolkaas.

Dagaalkaasi ayaa sida la sheegay u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya iyo koox hubeysan aan la oegyn waxa ay ahaayeen, balse loo maleynayo inay yihiin koox ka amar qaata nin lagu magacaabo Sheekh Saalax oo sida la sheegay degaanka dhibaato ku haaya.

Waxay labada dhinac dagaalkaasi isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ay dadka deegaanka sheegeen intii uu dagaalka soo socday ay cabsi soo wajahday.

Ilaa iyo haatan lama oga qasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, balse waxaa haatan degan goobtii uu dagaalka ka dhacay.

Dhinaca kale, saraakiil ka tirsan ciidamada militeriga ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah kooxdaasi, iyagoona sidoo kale tilmaamay in kuwa kale oo badan ay dhaawaceen, balse ma jiro warar madax banaan oo arrinkaasi xaqiijinaya.