Guddiga doorashada dalka oo arrin lama filaan ah ka dhawaajiyay (AKHRISO)

Guddiga hirgelinta doorashada ee heer federaal oo ay dhawaantaan soo magacaabeen madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madasha Qaran ayaa la yimid qorshe lama filaan ah oo ay ku doonayaan in dib loogu dhigo waqtiga doorashada ee dalka.

Sida la sheegay guddigaan oo ka kooban ilaa 22 xubnood, ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay shirar joogto ah oo ay yeesheen go’aan ku gaaray inaysan doorashadu ku dhici karin waqtiga qorsheysan islamarkaana ay u baahan yihiin 2 ilaa 3 bilood oo dheeraad ah.

Guddigaasi ayaa codsigooda u gudbiyay Ergayga gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilka arrimaha Soomaaliya Michael Keating, iyo sidoo kale beesha caalamka.

Madasha Qaran oo lagu waday in 17-kii bishaan July ay kulan ku yeeshaan magaalada Muqdisho ayaa shirkooda marar badan dib u dhac ku yimid, iyagoo ka war sugaya guddiga doorashada cusub, waxaana lagu wadaa in horaanta bisha August ay isugu yimaadaan Muqdisho, si ay arrintan go’aan buuxo uga gaaraan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa hoosta ka wada qorshahaan, waxaana guddiga doorashada ugu jira xubno si toos ah uga shaqeeya xafiisyadooda.

Dhinaca kale, qorshaha dib u dhigista doorashada 2016-ka ayaa ah qodob ay in badan ku cel-celiyaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo sheega inaysan dib uga dhici doonin xilligeeda, balse waxaa muuqata in mar kale lagu fashilmay arrintii ugu weyneyd ee muddo kororsiga ahayd.