Shariif Xasan oo qaati-bilaahi laga taagan yahay iyo baaq kasoo baxay odayaasha Koonfur Galbeed Soomaaliya

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay qaati ka taagan yihiin madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Odayaasha dhaqanka oo kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo ayaa waxay digniin ugu direen in madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu fara-galinta ka daayo xulista xildhibaanada loo soo xulaayo baarlamaanka cusub ee federaalka Soomaaliya.

Odayaashaas ayaa sidoo kale sheegay inay arkayaan fara-galin baahsan uu madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ku haayo xildhibaanada lasoo xulayo islamarkaana ay jiraan ugaasyo iyo salaadiin ay madaxda Koonfur Galbeed kala hadleen soo xulista xildhibaanada cusub ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa tilmaamay in soo xulista xildhibaanada cusub ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay iyaga gacanta ku hayaan, islamarkaana aanay cid kale shaqo ku lahayn wixii arrimahaasi quseeya.