Turkiga oo si layaab leh u beeniyay inay aqoonsadeen baasaboorka Somaliland

Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Olgan Bekar oo maanta shir jaraa’id ku qabtay safaarada Turkiga ay ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay afgembigii dhicisoobay ee bartamihii bishaan ka dhacay dalka Turkiga iyo sidoo kale arrinta aqoonsiga baasaboorka Somaliland.

Safiirka ayaa marka hore u mahad-celiyay sidii ay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga jawaabeen afgambigii dhicisoobay ee lala damacsanaa in dowladda Turkiga lagu sameeyo.

“Waxaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed uga mahad-celinaa jawaabta deg-dega ah oo ay ka bixiyeen afgambigii dhicisoobay ee Turkiga, oo ka dambeeyeen kooxo argagixiso ah oo lagu magacaabo FETO” Sidaas waxaa yiri Amb. Olgan Bekar.

Dhinaca kale, safiirka ayaa si kulul u beeniyay in dowladda Turkigu ay aqoonsatay baasaboorka maamulka Somaliland, kaas oo laga soo xigtay qunsulka Turkiga ee u fadhiya magaalada Hargeysa, wuxuuna sheegay inaysan arrintaasi jirin, islamarkaana uu Turkigu u aqoonsan yahay Somaliland qeyb ka mid  ah dalka Soomaaliya.

“Dowladda Turkiga waxay Somaliland u aqoonsan tahay inay tahay qeyb ka mid ah Soomaaliya, Baasaboorkoodane waa ID lagu joogo Somaliland, mana jirto wax intaasi dheer” Ayuu hadalkiisa raaciyay safiirka Turkiga ee u fadhiya dalka Soomaaliya Amb. Olgan Bekar

Ugu dambeyntii, Amb. Olgan Bekar ayaa ka hadlay arrinta dugsiyadda iyo isbitaalka DEVA ee dhawaan la xiray, wuxuuna sheegay in adeegyadii isbitaalkaasi uu bixin doono isbitaalka kale ee Digfeer.

“Waxaa anaga iyo dowladda federaalka Soomaaliya wadnaa qorshe ah sidii howlaha usii socon lahaayeen, gaar ahaan isbitaaladii iyo iskuuladii ay gacanta ku heysay hay’adda NILE, Anaga ayaa la wareegi doono arrimahaasi oo dhan, waxaana u sheegayaa ardaydii dhiganeysay iskuuladaas in waxbarashadooda ay dib u bilaaban doonaan, bisha soo socota ee Agoosto” Ayuu yiri safiirka Turkiga ee u fadhiya Soomaaliya Olgan Bekar.

Dhawaan ayay ahayd markii qunsulka Turkiga ee Hargeysa uu shir jaraa’id uu qabtay ku sheegay inay dowladda Turkiga aqoonsatay baasaboorka Somaliland islamarkaana ay Viiso dal ku gal ah siisay madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo iyo qoyskiisa, iyadoona arrintaan uu safiirka Turkiga ee Soomaaliya uu beeniyay.