Xildhibaano mooshin ka gudbiyay C/qaadir Shariif Sheekunaa

Kulan ay maanta magaalada Baydhabo ku yeesheen in ka badan 40 xildhibaano oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, ayaa sheegay inay mooshin ka keeneen gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaas C/qaadir Shariif Sheekhunaa.

Xildhibaanadaasi ayaa gudoomiyaha ku eedeeyay inuu ku fashilmay xilka uu haayo islamarkaana uu kal fadhiggii baarlamaanka ka dhigay mid howlgab ah.

Dhinaca kale, xildhibaano ay ka mid yihiin C/qaadir Dhagga-Cadde iyo Xasan Macalin Yuusuf oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay  in baarlamaanka Koonfur Galbeed uu muddo 8 bilood ah aanu yeelan wax kalfadhi ah iyo shirar ah.

Waxay ku eedeeyeen guddoomiyaha inuu ku takri falay awoodii uu siiyay Baarlamaanka, isagoo hor-taagan in Baarlamaanku shiro, kana hadlo danaha dadkii soo doortay.

Sidoo kale waxay xildhibaanadaasi ku hanjabeen inay dhawaan shir yeelan doonaan, islamarkaana ay xilka ka qaadi doonaan guddoomiye C/qaadir Shariif Sheekhunaa.

Si kastaba ha ahaatee, guddoomiye C/qaadir Shariif Sheekhunaa ayaa sida laga warqabo saaxiib aad u dhow la ah madaxweynaha maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan, kaas oo kalsooni buuxo ku qaba xilkiisa.