XOG RASMI AH:- Sheekh Shariif oo dib u dhigay safar uu ku imaan lahaa Muqdisho (AKHRISO SABABTA).

Warar hoose ay heshay warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegeysa in safar uu magaalada Muqdisho ku imaan lahaa madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu dib u dhacay kadib markii sida la sheegay ishor-taag lagu sameeyay abaabul isaga lagu soo dhaweyn lahaa.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo haatan ah musharax u taagan tartanka doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale dib u dhaciisa lala xiriirinayaa amarkii ay dhawaan soo saartay wasaaradda amniga ee dowladda federaalka Soomaaliya ee ahaa, in shirarka siyaasadeed aanay wasaaraddu ka warqabin lagu qaban karin hoteelada magaalada Muqdisho.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugidda qaranka ee NISA ay ishor-taag ku sameeyeen shirar ay yeelan lahaayeen odayaal dhaqameed iyo siyaasiyin kasoo horjeeday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, waxaa haatan muuqata inuu mugdi ku jiro arrinta doorashada siyaasiyiin oo mug leh oo xilka kula tartami lahaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaas oo dib u dhigtay inay haatan ku dhawaaqaan musharaxnimadooda.

Ilaa iyo haatan lama oga sida uu xaalka ku dambeyn doono, iyadoona ay sidoo kale jirto in xilliga doorashada ee ka dhici lahayd dalka ay muddo bilooyin ah dib uga dhici doonaan waqtigii loogu talo-galay.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii uu xilka ka tagey Sheekh Shariif Sheekh Axmed kadib markii doorashada looga guuleystay ayaan ilaa iyo xilligaasi dib ugu soo laaban magaalada Muqdisho, isagoona dib kasoo sheegi doono xilliga rasmiga uu magaalada kusoo wajahan yahay.