DEG DEG:- Qaraxyo si weyn u gil-gilay Muqdisho iyo rasaas oo si toos ah loo maqalaayo

Qaraxyo is-xigxigay oo tiro ahaan gaaraya ilaa 2 qarax ayaa goordhaw lagu weeraray xarunta dambi baarista ciidanka booliska ee CID-da oo ku taala isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Koox la sheegay inay hubeysan yihiin ayaa weerar toos ah ku qaaday xarunta dambi baarista ee CID-da, waxaana weli goobtaasi laga maqlayaa rasaas dhaceeysa.

Xarunta ciidanka CID-da ayaa ku taalo kasoo horjeedka Hoteelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, waxaana ay xilliyadaan oo kale tahay goob aad u mashquul badan.

Dhinaca kale, waxaa gebi ahaan istaagay isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee halkaasi ka jiray, iyadoona ilaa iyo haatan la ogeyn qasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Wadada Makka Al-mukarama ayaa saakay ku waabariisatay weeraro cusub, iyadoona weli magaalada ay ka dhacayaaan rasaas ay is-dhaafsanayaan ciidanka dowladda iyo kooxihii weerarka soo qaaday.

Warkaan oo faah faahsan dib kala soco wararkeena dambe Insha Allaah.