Gaari walxaha qarxa ka buuxo oo caawa lagu qabtay magaalada Muqdisho (SAWIRO)

Waxaa caawa degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho lagu qabtay gaari ay ka buuxeen waxyaabaha qarxa, iyadoona gaarigaan la sheegay inuu ahaa gaarigii afaraad oo ay Al-shabaab ku doonayeen inay qaraxyo kaga geystaan magaalada Muqdisho.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo saxaafadda kula hadlay goobta gaarigaasi lagu soo bandhigay ayaa sheegay in caawa la qabtay gaari kale oo ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa, kaasoo ay ciidamadu ku qabteen degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.

Gaarigaan oo noociisu yahay KAARIB ayaa sida la sheegay saarnaa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ka mid ahaayeen qoryo, rasaas badan oo nooca baasuukaha ah iyo sidoo kale hubka kale oo inta badan waxyaabaha qarxa loo adeegsado.

Si kastaba ha ahaatee, gaarigaan caawa la qabtay ayaa noqonaya kii afraad oo hal maalin gudaheed lasoo geliyo magaalada Muqdisho, iyadoo seddax ka mid ah gawaaridaas ay qarxeen maanta, kuwaas oo laba ka mid ah lagu qarxiyay xarunt CID-da, halka midka kale uu caawa ku qarxay agagaarka isgoyska Dabka ee degmada Waaberi.

Gaari-Qarax-Ku-Miineysan01 Gaari-Qarax-Ku-Miineysan02