Dagaal qasaare geystay oo maanta ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal aad u xoogan uu maanta ka dhacay deegaanka Ximcadde ee hoostaga degmada Ceelbuur.

Dagaalkaas ayaa sida la sheegay u dhexeeyay labo maleeshiyo beelood oo wada dega deegaanka Ximcadde oo ka tirsan gobolka Galgaduud, iyadoona dagaalkaasi la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku geeriyootay ilaa 11 qof oo sida la sheegay u badan dhinacyadii ku dagaalamay degaanka Ximcadde, iyadoona sidoo kale ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 30 kale.

Ma jirto wax faah-faahin intaas dheer oo ku aadan dagaalkaasi, wuxuuna dagaalkaan daba-socdaa dagaalo beeleed sidaan oo kale ah uu maalmo ka hor ugu ka dhacay deegaankaasi Ximcadde.

Si kastaba ha ahaatee, deegaanka Ximcadde ee gobolka Galgaduud ayaa ah deegaan aan maamul ka jirin, lamana oga sida uu xaalka ku dambeyn doono.

error: Content is protected !!