DEG DEG:- Nabadoon caan ah oo goordhaw lagu dilay degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo

Warar goordhaw naga soo gaaray degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay nin nabadoon caan ka ahaa halkaas.

Koox la sheegay inay hubeysnaayeen bistoolado ayaa dhowr rasaas la dhacday nabadoon magaciisa lagu soo koobay nabadoon Idiris, kaas oo si weyn looga yaqaanay degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Allaha u naxariistee nabadoon Idirs lagu dilay xilli uu ku sugnaa maqaayad ku taala degmada Balad-xaawo.

Kooxdii dilka u geystay nabadoonka ayaa dilka kadib goobta isaga baxsaday, waxaana markaasi goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee degmada Balad-xaawo, iyagoona halkaasi ka bilaabay baaritaano xoogan.

Ilaa iyo haatan ma jirto cid baaritaankaasi lagu soo qabtay, waxaana ay ciidamu weli ku raad-joogaan kooxihii falka dilka ah geystay.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!