Ciidanka nabad-sugidda Jubbaland oo dilay 4 sarkaal oo ka tirsanaa Al-shabaab

Wararka naga soo gaaraya gobolka J/hoose ayaa waxay sheegayaan in howlgal ay ciidamada nabad-sugidda ee maamulka Jubbaland ka sameeyeen deegaan lagu magacaabo Cabdalla Biroole oo hoostaga magaalada Kismaayo ay ku dileen ilaa 4 sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka Al-shabaab.

Sayid Axmed Carab oo ah afhayeenka ciidamada nabad-suggida ee maamulka Jubbaland oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in howlgal ay ciidankaaasi ka sameeyeen deegaanka Cabdala Biroole ay ku dileen 4-ta sarkaal ee ka tirsanaa Al-shabaab, iyagoo sidoo kale gacanta ku dhigay qoryo Ak47 ah oo ay wateen raggii la dilay.

“Duulaan dagaal oo ay qaadeen ciidanka nabad-sugidda maamulka Jubbaland ku qaadeen goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab ayaa waxaa u suurto gashay in ciidankaasi ay dilaan 4 saraakiil islamarkaana ay ka qaataan qoryahooda, waxaana sidoo kale lasoo furtay baabuur qof shacab ah uu leeyahay oo ay Al-shabaab xoog ku haysteen” Sidaas waxaa yiri afhayeenka ciidamada nabad-suggida maamulka Jubbaland Sayid Axmed Carab.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Xarakada Al-shabaab ay kaga hadlaan howlgalka loogu dilay 4-sarkaal oo ka tirsanaa ciidankooda ku sugnaa deegaanka Cabdalla Biroole oo hoostaga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

error: Content is protected !!