Diyaaradda Emirates oo maanta ku bur-burtay garoonka diyaaradaha ee Dubai (SAWIRO)

Waxaa maanta garoonka magaalada Dubai ku bur-burtay diyaarad nooca rakaabka ah oo ay leedahay shirkadda Emirates, wax yar uun ka dib markii ay soo cago dhigatay wadada ay diyaaradaha ku ordaan ee run-wayga.

Diyaaradaan ayaa kasoo amba-baxday magaalada Trivandrum ee ku taala koonfurta dalka Hindiya, waxaana ay kusoo socotay magaalada Dubai ee dalka Isku-Taga Imaaraadka Carabta.

Waxaa diyaaradaasi saarnaa ilaa 282 rakaab ah iyo 18 shaqaale ahaa, waxaana dhamaantood laga soo bad-baadiyay kahor intii aanu dabka ku fidin qeybaha kala duwan ee diyaaradda.

Dhinaca kale, bur-burka diyaaradda ayaa keentay in muddo saacado ah hakad la geliyo shaqadii ka socotay garoonka magaalada Dubai, iyadoo dib loo dhigay diyaarado ka amba bixi lahaa garoonkaasi, halka kuwo ku soo wajahnaana loo weeciyay goobo kale.

Sidoo kale, qoysaska dadkii rakaabka ee diyaarada saarnaa ayaa walaac xoog lihi ka muujiyay shilka ku yimid diyaaraddaas, balse waxay xaaladoodu degtay markii la xaqiijiyay inay bad-qabaan rakaabku.
Emirates-Plane05 Emirates-Plane04 Emirates-Plane03 Emirates-Plane02 Emirates-Plane01

error: Content is protected !!