Madaxweynaha oo maanta si rasmi ah u furay shirka madasha wadatashiga qaran ee Muqdisho (SAWIRO)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaaladda Muqdisho shirka madasha hoggaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Shirkan madasha hoggaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa ajandeyaasha looga hadli doono waxaa ka mid ah, Go’aan ka gaarida doorashooyinka 2016, howlgelinta guddiyadda doorashooyinka 2016, amniga guud ee qaranka Soomaaliya iyo arrimo kale.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay furitaanka shirka madasha hoggaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa sheegay in tallada Soomaalida ay ku jiro gacmaha Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyey hoggaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada sida ay uga go’an tahay in dadka iyo dalkaba ay horray u soocdaan.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya , mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in gabagabada shirkan madasha hoggaamiyeyaasha dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada kasoo bixi doonaan go’aanadii lagu hergelin lahaa doorashadda 2016.

—Dhammaad–
Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: shadorhaji@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Shirka Madasha Wadatashiga Qaran Shirka Madasha Wadatashiga Qaran02 Shirka Madasha Wadatashiga Qaran03 Shirka Madasha Wadatashiga Qaran04

error: Content is protected !!