Qodobada looga hadli doono shirka madasha ee maanta ka furmaayo Muqdisho (AKHRISO)

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya uu ka furmo shirka madasha wada-tashiga qaran oo arrimo xasaasi ah looga hadli doono.

Guddiga doorashooyinka dalka oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in madasha wada-tashiga qaran ay u gudbin doonaan arrimaha ku aadan xilliga ay dhaceeyso doorashada dalka.

Shirkaasi oo ay kasoo qeyb gali doonaan hogaamiyeyaasha madasha wada-tashiga ayaa sida la sheegay looga hadli doonaa qodobadda hoos ku xusan:-

Go’aan ka gaaridda iyo howlgelinta guddiyada doorashooyinka 2016:

  • Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga Doorashada Dadban ee heer gobol (SIEIT)
  • Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha  dorashooyinka aay ka dhacayaan (elder Mapping by State)
  • Musharaxiinta haddi kursi hal qof keliya u soo tartamo maxaa laga yeelaayaa?
  • Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Magacaabida xubnaha guddiga.
  • Dhisida iyo soo gudbinta Aqalka Sare ee Dowlad Goboledyada dhisan ugu dambayn. Tusaale bisha September 1-da, 2016
  • Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha labada aqal ee Somaliland; Shabellaha-dhexe & Hiiraan.
  • Guddiga matalaadda xubnaha Aqalka Sare gobolka Banadir iyo howl-galintooda
  • Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga (Task Force-ka) ka shaqayn doono amniga dorashooyinka
  • Habraac lagu xaqiijinaayo qoondada Haweenka ee 30% ee laba aqal ee Barlamaanka. Waxaa Madasha u soo bandhigaya farsamada lagu hubin karo qoondada dumarka Guddiga Safiirada Idman (Good will Ambassadors)
  • Go’aan ka gaarista iyo soo bandhigidda Qorshe howleedka waqtiyeeysan iyo Miisaaniyadda  Doorashooyinka 2016.

Wada-hadalka arrimaha aminga guud ee qaranka Somaaliya:

  • Aragtida fog ee Amniga qaranka Somalia iyo sidii lagu dhisi lahaa ciidan Soomaaliyeed oo tayeysan.
  • Go’aan ka gaaris shirar joogto ah oo lagu horumarinayo ciidamada amniga qaranka oo dowladda federaalka iyo dowlad goboledyada xubnaha ka ah ay yeeshaan markii muddo la joogaba kaas oo la jaanqaada dhismaha guud ee dib u dhiska qaranka

Si kastaba ha ahaatee, siyaasiyiinta xisbiyada dalka iyo musharixiinta qaarkood ayaa walaac xoogan ka muujinaya in doorashada aysan dhici doonin waqtigii loogu talo galay, dowladana ay qorsheynayso muddo kororsi.

error: Content is protected !!