Tarsan “Dastuurka KMG sida uu qoraayo madaxweynaha waa inuu xilka ka degaa kadib markii uu….”

Siyaasiyiinta xisbiyadda siyaasadda ee dalka oo haatan shir uga soconaayo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in xilka madaxweynaha si KMG ah loogu wareejiyo guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, kadib marka uu dhammaado xilliga madaxweyne Xasan Sheekh oo ku eg 10-ka bisha soo socota ee September.

Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka mid ah siyaasiyiinta ka qeyb galeysa shirka ayaa sheegay in sharciyadii madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay ku eg tahay 10-ka September 2016-ka, wixii xilligaasi ka dambeeyana ay tahay inuu kursiga ka dego, islamarkaana uu si KMG ah xilkaasi usii qabto guddoomiyaha baarlamaanka Prof. Jawaari inta laga soo dooranayo madaxweyne cusub.

“Dastuurka KMG sida uu qoraayo madaxweynaha waa inuu xilka ka degaa kadib markii uu waqtigiisa dhamaado, waxaana si KMG ah xilkaasi usii heynaya guddoomiyaha baarlamaanka, ilaa intii madaxweyne cusub laga soo dooranaayo” Sidaas waxaa yiri Maxamuud Axmed Nuur Tarsan

Hadaba qodobka 91-aad iyo 95-aad ee dastuurka KMG ayaa u qoran sida hoose ku xusan:-

Qodobka91-aad

Qodobka95-aad

Si kastaba ha ahaatee, shirkaan ay leeyihiin siyaasiyiinta xisbiyadda siyaasadda ee dalka ayaa kusoo aadayaa xilli magaalada Muqdisho uu ka soconaayo shirka madaxda madasha wada-tashiga qaran islamarkaana madaxdaasi laga sugaayo inay ku dhawaaqaan go’aanka kama dambeyska ah ee ku aadan waqtiga rasmiga ah oo ay dhaceeyso doorashada Soomaaliya ee 2016-ka.

error: Content is protected !!