Wararkii ugu dambeeyay weerar lagu qaaday guriga taliyaha howgelinta ciidanka nabad-sugidda

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa weerar habeenkii xalay lagu qaaday guri uu degan yahay taliyaha howlgelinta ciidanka nabad-sugidda qaranka Maxamed Aadan Cumar

Guriga taliyaha ayaa ku yaala xaafadda degmada Dharkenley gaar ahaan xaafadda Suuq Boocle ee magaalada Magaalada Muqdisho, iyadoona weerarkaasi ay ka dhasheen qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijyay waxaa weerarkaasi ku geeriyooday mid ka mid ah ilaaladda guriga taliyaha, waxaana sidoo kale ku dhaawacantay ilaa 3 kale.

Ciidamo ka tirsan kuwa nabad-sugida qaranka ayaa weerarkaasi ka dib bilaabay howlgallo baaritaano ah oo ay ku raadinayaan kooxihii weerarkaasi geystay, inkastoo aan la oegyn cidda ay howlgalkaasi kusoo qabteen.

Dhinaca kale, ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi, mana jiraan hadal kasoo baxay saraakiisha degmada Dharkenley ee dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ay kaga hadlayaan weerarka loo geystay guriga taliyaha howlgelinta ciidanka nabad-sugidda qaranka Maxamed Aadan Cumar.

Si kastaba ha ahaatee, weeraradda ceynkaan oo kale ah ayaa inta badan geysta dhalinyaradda ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo xilliyadda habeenkii ah weerara goobaha ay ku sugan yihiin xubnaha ka tirsan dowladda Soomaaliya kadibna goobta isaga baxsada.

error: Content is protected !!