DHAGEYSO:- C/weli Gaas “Doorashadu waxay u baahan tahay farsamo gaar ah..”

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo ka mid ah madaxda ka qeyb-galeysa shirka madasha wadatashiga qaran ee maalintii sedexaad ka soconaaya xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay suurto-galnimada doorashada ka dhici doonto dalka.

C/weli Gaas oo wareysi siiyay idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliya ayaa ka hadlay waxyaabihii looga hadlay shirkaasi, islamarkaana aanu shirkaasi go’aan kasoo bixin, balse ay arrintu tahay in la helo muddo laba bilood oo dheeri ah.

“Doorashadu waxay u baahan tahay farsamo gaar ah ee dhameystirka maamulka labada gobol ee Hiiraan iyo Sh/dhexe, arrintaasne way socotaa, waxaana la rajeynayaa in arrintaasi lagu soo gaba-gabeeyo muddo labo bilood ah oo lagu darro xilliga doorashada, hadii ay dhismi waayaan maamulka labadaasi gobol, dabcan waxay noqon doontaa in arrintaasi si gaar ah loo xaliyo” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Gaas

Ugu dambeyntii, C/weli Gaas ayaa sheegay inuu rajeynayo in maalinta Axadda ah uu shirka madasha wadatashiga qaran soo dhamaado, islamarkaana go’aan rasmi ah oo la isku raacsan yahay markaasi laga soo saaro.

error: Content is protected !!