Madaxweyne Xasan Sheekh oo u amba-baxay magaalada Addis Abbaba iyo sababta uu halkaasi u tagay

Wafdi uu hogaaminaayo madaxwaynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u amba-baxay magaalada Addis-ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa magaalada Addis Ababa kaga qeyb-gali doono shir madaxeedka urur goboleedka IGAD, kaasi oo lagu wado inuu halkaasi ka furmo.

Waxaa la filayaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu shirkaasi khudbad ka jeediyo, iyadoona dhinaca kale madaxda urur goboleedka IGAD ay shirkoodi kaga hadli doonaan arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya iyo sidoo kale xiisadaha dagaaleed ee ka taagan koonfurta dalka Suudan.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya xilli xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho uu ka soconaayo shirka madasha wadatashiga qaran ee looga hadlaayo arrimaha doorashada dalka, iyadoona shirkaasi aysan weli kasoo bixin wax natiijo oo kama dambeys ah.

error: Content is protected !!