DEG DEG:- Banaanbax aad u xoogan oo haatan ka soconaayo magaalada Muqdisho

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ka bilawday banaanbax weyn oo ay dhigayaan haweenka Soomaaliyeed, kuwaas oo dalbanaya in xaquuqdooda laga siiyo dowlada dhawaan lasoo dhisi doono.

Banaanbaxaan oo ay soo qaban-qaabiyeen ururada haweenka dalka ka jira ayaa ka qeyb-galaya haween badan oo ka kala yimid degmooyinka magaalada Mudisho, iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, banaanbaxaan oo haatan ka socda Daljirka Dahsoon ayaa soconaya xilli shirka madasha wadatashiga qaran uu maalintiisii afaraad ka soconaayo xarunta madaxtooyadda Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Goobta uu banaanbaxa ka soconaayo ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ammaanka goobtaasi sugaya.

Haweenka banaanbaxa dhigaaya ayaa ka dalbaday madaxda madasha wadatashiga qaran ee ku shirsan magaalada Muqdisho inay soo saaraan go’aan ay ku cadeenayaan qoondada haweenka ay ka helayaan dowladda dhawaan lasoo dhisi doono.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!