XOG:- Jadwalka cusub ee loo sameeyay doorashada Soomaaliya ee 2016-ka (AKHRISO)

Madaxda shirka madasha wadatashiga qaran ee madaxda Soomaalida ayaa isla-garteen in muddo laba bilood ah lagu darro doorashada dalka ee 2016-ka.

Nuqul ka mid ah jadwalka soo gaaray warbaahinta Bulshoweyn ayaa muujinaya in doorashada madaxweynaha ay dhici doonto 7 Novembar, halka doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka ay dhici doonto 28-ka Oktoobar 2016-ka.

Sidoo kale doorashada aqalka sare ayaa la qaban doonaa 25-ka bisha September ee sanadkan, halka doorashada aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ay socon doonto 1-da October ilaa 14-ka October ee sanadkaan 2016-ka.

Nuqul ka mid ah doorashada

Bisha August 2016

4 Aug – 6 Aug

  • Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga Doorashada Dadban ee heer gobol (SIEIT)
  • Ansaxinta tirada oday-dhaqameedyada tagaya goobaha dorashooyinka ay ka dhacayaan (tusmaynta madax dhaqameedyada )
  • Musharaxiinta hadii kursi hal qof kaliya u soo tartamo maxaa laga yeelaayaa?
  • Ansaxinta waajibaadka shaqo (TOR) Guddiga xallinta Khilaafaadka iyo Magacaabida xubnaha guddiga
  • Go’aan ka gaaridda hannaanka iyo goobta lagu soo dooranayo xubnaha labada aqal ee Somaliland; Shabellaha-dhexe & Hiiraan (hadii aysan dhisnayn ka hor xiliga doorashada);
  • Guddiga matalaadda xubnaha Aqalka Sare ee gobolka Banadir iyo howl-galintooda
  • Dhammeystirka iyo howlgelinta Guddiga (Task Force-ka) ka shaqayn doono amniga dorashooyinka;
  • Habraac lagu xaqiijinaayo qoondada Haweenka ee 30% ee labada aqal ee Barlamaanka
  • Ansaxinta iyo Go’aan ka gaarista iyo soo bandhigidda Qorshe howleedka waqtiyeeysan iyo Miisaaniyadda Doorashooyinka 2016

7-13 August

  • Diyaarinta Xafiisyada GDGDD ee Xarumaha Doorashada

14 Aug -20 Aug

  • Tababarka Guddiyada doorashooyinka federal iyo heer maamul Goboleed (GDGDD) (Mudadan waxay isugu jirtaa Imaanshaha iyo Noqoshada)

21 Aug – 24 Aug

  • Tababarada 135 Madax dhaqameedyada
  • Qaadashada warqadaha Aqoonsiga .

Bisha September 2016

25 Aug – 10 Sep

  • 135 ta Madax dhaqameed ayaa soo gudbinaya liiska magacyada ergada
  • Xalinta Khilaafaadka ee Ergooyinka
  • Shaqaalaynta iyo tababarada howlwadeenada doorashooyinka
  • Madax Dhaqameedka /GDGDD/GFHDD

25 September

  • Dhisida iyo soo gudbinta  xildhibanada Aqalka Sare ee Dowlad Goboledyada dhisan ugu dambayn bisha September 25-da, 2016

11-30 September

  • Baahinta Waqtiga Diiwaangalinta Musharixiinta
  • Hubinta shuruudaha Musharaxa iyo Diiwaangalintooda
  • Diiwaangalinta Korjoogtada.

Bisha October 2016

01-14 October

  • Doorashada golaha shacabka

15- 17 October

  • Hubinta iyo ku dhawaaqidda natiijada kama dambaysta ah

18 October

  • Dhaarinta golaha shacabka

28 October

  • Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka

7 November

  • Doorashada madaxweynaha jamuuriyadda federaalka Soomaaliya

–DHAMAAD–

error: Content is protected !!